Britain waxay xirtay safaaradda Iran ee London

William Hague, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Britain Lahaanshaha sawirka PA
Image caption William Hague, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Britain

UK ayaa amar ku bixisay in la xiro safaaradda Iran ay ku leedahay London.

Diblomaasiyiinta Iranna waxaa amar lagu siiyay in ay dalka uga baxaan 48 saacadood.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, ayaa amarkan ku dhawaaqay, maalin ka dib markii dhismahaSafaaradda Britain ee Tehran ay u dheceen dad bannaanbaxayay.

Hague wuxuu warkan uga dhawaaqay baarlamaanka gudihiisa.

Waxaa kale oo Xoghayuhu sheegay in Britain ay xirtay safaaraddii ay ku lahayd Tehran, shaqaalihiina la soo daad gureeyay.

Dadka bannaanbaxay waxay ka careysan yihiin cunaqabateyn ay Dowladda Britain ku soo rogtay Iran ayada oo ku eedeyneysa in ay sameysaneyso hub nukliyeer ah.