Bahrain oo geysatay jirdil

Boqorka Bahrain, Sheikh Hamad bin Isa al Khalifah Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boqorka Bahrain, Sheikh Hamad bin Isa al Khalifah

Guddiga madaxa bannaan ee loo xilsaaray baaritaanka cadaadiskii la saaray dadka Bahrain ee dimuqraaddiyad doonka ahaa, ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii ay wax u dheceen.

Guddioomiyaha Guddiga, Cherif Bassiouni, ayaa ku tilmaamay in maxaabbiista indhaha laga duubay, la karbaashay, la haraatiyeeyay, isla markaana lagu qabto koronto looguna hanjabay in la kufsanayo.

Waxaas oo dhan waxaa loo yeelay, ayuu yiri, si hadal looga dhaliyo.

Wuxuu ku tilmaamay in aan sharciga Bahrain oggolaaneyn in sidaa la sameeyo, hase yeeshee, ma dhicin ayuu yiri in dadkii xad gudubkaas geystay lagu qaado dembigooda.

Waxaa kale oo uu sheegay in aan aan daliil loo hayn, in Iran ay ku lug lahayd rabshadaha, inkasta oo February markii ay arrintu dhacaysay ay saxaafadda dowladda Bahrain ay sheegatay in Iran ay ku lug lahayd.

Bassiouni wuxuu soo jeediyay in mag la siiyo dadkii la dilay iyo kuwii la jir dilay qoysaskooda.

Ka hor intuusa soo bandhigin waxa u soo baxay ayuu Bassiouni wuxuu sheegay in ay tahay markii u horreysay ee dal Khaliijka ka mid ahi uu guddi noocan ah u xil saaro in ay baaraan rabshado dalka ka dhacay.

Weliba waxaa tallaabadan ay dowladdu qaadatay, ayuu yiri, iyada oo aan wax cadaadis oo caalami ah la saarin.

Boqorka

Boqorka dalka Bahrain ayaa warbixintan loogu akhriyay kun ruux hortooda.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay in aan mar dambe dhacdooyinkaa xanuunka leh aan lagu celin.

Boqor Sheikh Hamad bin Isa al Khalifah wuxuu sheegay in uu ka xun yahay in dadkii la xiray lagu xad gudbay.

Dalkeygu uma adkeysanayo ayuu yiri xad gudubyada noocaas ah.

Waxaa uu intaa ku daray in uusan dooneyn in Bahrain ay cuuryaamiyaan hanjabaad iyo dibin daabyo.

Wuxuuna ku tilmaamay in warbixintu ay Bahrain fursad u siineyso in ay sameyso isbeddel.