Biden oo ka hadlay xaaladda Syria

Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Joe Biden waxa uu ugu baaqay Bashar al-Asad inuu xilka ka dego

Madaxweyne ku xigeenka waddanka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in dowladda Syria ay degenaansho la'aan ku keeneyso gobolka, taasi oo khatar kusii ah dagaalka kacdoonka.

Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, Mr Biden in uu hadalkan sheegay kulan uu la lahaa Madaxweynaha Turkey, Abdullah Gul.

Wareysi uu siiyay wargeys Turkish ah (Hurriyet) ayaa Mr Biden, waxa uu ugu baaqay Madaxweynah Syria Bashara al-Asad inuu awoodda ka dego in si nabadgelyo si uu u dhaco xilliga kala guurka.

Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dowladda Syria inay sameysay xadgudubyo intii lagu guda jiray dibedbaxyada looga soo horjeedo dowladda.