Ban Ki-Mon oo Muqdisho ka degay

Ban Ki-Moon Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho tagay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqosho ku tagay Magaalada Muqdisho. Waa boqashadii ugu horaysay ee uu Ban ku tago Muqdisho.

Booqashadani ayaa sidaasi oo kale noqonaysa tii ugu horaysay ee mas'uul sidaasi u sareeya u ku tago Magaalada Muqdisho ku dhawaad 20 sano.

Ban Ki-Moon waxaa uu wadahadal aqalka madaxtooyada kula yeesha madaxda dowladda ku meel gaarka ee Soomaliya.

Amaanka Magalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, iyadoo la xiray dhamaan wadooyinka magaaladaasi. Waxaa kale oo la joojiyay dhamaan duulimaadyadii Muqdisho sababo la xiriira amaanka awgeed.

Ban Ki Moon oo Muqdisho saxaafadda kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in lagu jiro xilli fursado cusub oo mustaqbalka ah ay heystaan dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon waxa uu sheegay inuu doonayo inuu beddelo sida Soomaaliya adduunku arko.

Waxa uu sheegay in wada hadalka uu la yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya uu ku adkeeyay inay sameeyaan dadaal walba oo ay ku hirgelinayaan qorsha nabadda Soomaaliya ee la wado.