Xildhibaanno gawda iska saaray

Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Shiikh Adan Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Shiikh Adan

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isu gacan qaaday oo gawda iska saaray.

Fadhi la damcay in maanta la qabto, ayaa khilaaf waxaa uu ka billowday markii Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanku uu damcay in uu fariisto kursiga Guddoomiyaha oo isagu dalka ka maqan.

Waxaa khilaafku ka dhashay go'aan shalay ay gaareen mudanayaal fariistay iyaga oo aan Guddoomiyaha iyo ku Xigeennadiisu aanay goob joog ahayn.

Fadhigaas oo ay iyagu isu guddoomiyeen ayay ku sheegeen in ay cod u qaadeen, xilkana ka qaadeen Guddoomiyaha, Shariif Xasan Shiikh Adan.