Kim Jong Il ayaa dhintay

Kim Jong Il Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Kim Jong Il

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku jirta tacsi ka dib markii hoggaamiyahoodii Kim Jong Il uu dhintay.

Markii warka laga sheegayay telefishinka waxaa ooyay gabadhii warka akhrineysay, dadka jidka socda ee magaalo madaxda Pyongyang ayaa iyagana qaarkood ooyay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in hogaamiyuhu uu u dhintay wadna xanuun isagoo tariin saaran sabtidii.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa jirranaa muddo, waxaana da'diisa lagu sheegay lixdan iyo sagaal.

Kim Jong Il ayaa loo yaqaannay hoggaamiyihii qaaliga ahaa.

Telefishinka dowladda ayaa dadka ku guubaabinaya inay taageeraan wiilkiisa Kim Jong Un inuu xukunka la wareego.

Wariyaha BBC ee Kuuriyada koonfureed ayaa sheegay in laga walaac ka jiro sidii xukunka loo qaybsan lahaa.