Ciidamo Djibouti oo yimid Muqdisho

Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika

Laba boqol oo ciidamo nabad ilaalin oo ka socda dalka Djibouti ayaa maanta yimid Muqdisho.

Ciidamada Djibouti ayaa qayb ka ah ciidamo dheeraad ah, oo ay balanqaadeen dalalka Afrika inay ku soo kordhiyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga Muqdisho.

Waxaa la filayaa in ciidamo ka socda dalka Sierra leone ay ku soo biiraan dhawaan.

Ciidanka waxaa gagida diyaarada ku soo dhaweeyay Raiisalwasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Djibouti u fadhiya Muqdisho.