Qaraxyo Nigeria ka dhacay

Qaraxyo ka dhacay Nigeria
Image caption Dalka Nigeria waxaa ka dhacay qaraxyo isdaba joog ah

Dalka Nigeria waxaa ka dhacay dhowr qarax oo is daba joog ah. Qaraxyadani waxa ay ka dhaceen laba magaalo oo ku yaalla woqooyi-bari ee dalka Nigeria.

Qaraxa koobaad waxaa laga maqlay magaalada Damaturu, waxaana ku xigay dhwor qarax oo kale oo ka dhacay magaalada Maidiguri.

Lama oga ilaa haatan cid wax ku noqotay qaraxyadaasi, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi, hasa ahaatee, labada magaalaba waxaa horaan qaraxyo ugu gaystay kooxda Islaamiga ee Boko Xaraam.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan