Qarax la fashiliyay

Hargeysa Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hargeysa

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay qarxiyaan kaabadda cusub ee magaalada.

Taliyaha sahanka militeriga Somaliland, Gashaanle Sare, Maxamed Cabdi Cali, ayaa u sheegay BBC in ciidankiisu ay qabteen laba nin oo gashan shukada haweenka.

Waxaa nimankaas lagu qabtay ayuu yiri iyaga oo sida waxyaabaha qarxa.

Taliyuhu wax faahfaahin ah kama bixin nimankaasi waxa ay yihiin.