Sanad Wanaagsan 2012

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dabaal degga sanadka cusub ee 2012

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu yimid labada daan ee webiga Thames ee London si ay u daawadaan dabaaldegga sanadka cusub ee 2012.

Dab-rid socday muddo 11 daqiiqo ah saqdii dhexe ee xalay ayaa dadku waxa ay ku soo dhaweeyeen sanadka cusub.

ilaa saddex kun oo ciidanka booliiska ee magaalada London ayaa shaqada ku jirtay.

Dab ridka ayaa waxa laga sameynayay saacadda caanka ah ee Big Ben iyo London Eye.

Sanadka cusub ee 2012 ayaa si weyn caalamka oo dhan looga soo dhaweeyay.