Shir Taleex uga furmay SSC

Shir ayaa maanta ka furmay magaalada Taleex ay isugu yimaadeen dad degaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn ka soo jeeda oo isugu jira hoggaamiyayaal dhaqan, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin.

Sida ay BBC u sheegeen dad shirka ka qeyb galaya waxaa halkaa isugu yimid in ka badan 200 oo ergay oo kala kala yimid dalka gudhiisa iyo dibaddiisa.

Waxay ka wadahadlayaan mustaqbalka siyaasadeed, nabadgelyo iyo horumarin ee mandiqadda.

Shirka waxaa ka muuqata in aad loo soo abaabulay wuxuuna u sansaan egyahay shirarkii beelaha Soomaalidu ay keligood qaban jireen oo inta badan xaqiiqada uga dhow kuwa dalka dibaddiisa lagu qabto ee ay ajnebigu maamulayaan.

Magaalada Taleex oo shirku ka dhacayo, waa magaalo taariikhi ah. Waxay ahaan jirtay Xaruntii Daraawiishta, waxaana weli ku taal qalcaddii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.