Mahiga oo ka walaacsan khilaafka baarlamaanka

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, Augustine Mahiga

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa maanta muujiyay inuu walaac ka qabo khilaafka sii socda ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadal saxaafadda loogu talagalay, oo uu soo saaray xafiiska Mahiga, ayaa lagu sheegay in isku dhaca baarlamaanka ee xilligan uu yahay mid waqti xun ku soo aaday.

Mahiga ayaa ugu baaqay in dhamaan dhinacyada is haya ay ka fogaadaan gacan ka hadal oo ay ku dhameeyaan wax walba oo is maan-dhaaf ah wada hadal nabadeed.

Hadalka wakiilka xoghayaha guud ayaa lagu sheegay in uu taageersan yahay dadaalka uu wado Madaxweyne Shiikh Shariif ee xal loogu raadinayo khilaafka, waxaana uu ku dhiirigeliyay dhinacyada inay gacan ku siiyaan sidii uu ugu heli lahaa xal shaqeeya.