ANC oo boqol sano jirsatay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption ANC oo u dabaaldageysa sanadguurada 100aad

Dalka Koonfur Afrika waxa maanta loo dabaaldegayaa sanadguurada 100aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka ANC.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasadda ee adduunka ayaa ku sugan dalka Koonfur Africa si ay ugu dabaaldegaan sanadguuradii boqolaad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka ANC.

Waxay ka qayb qaadanayeen munaasabad ka dhacaysa kaniisad ku taalla Bloemfontein halkaas oo ANC lagu dhisay sanadkii 1912 si ay ula dagaalanto xukunkii caddaanka tirada yar ee dalka Koonfur Afrika.

Saqdii dhexe markii la gaaray ayaa intii uu dabaaldeggu socday madaxwaynaha Koonfur Africa iyo hogaamiyaha ANC Jacob Zuma wuxuu shiday tooshka astaanta u ah munaasabadda.