Markab ku degay xeebaha Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Markabka degay waxa saarnaa dad gaaraya 4 kun oo qf

Wararka ka imanaya dalka Talyaaniga, waxaa ay sheegayaan in ugu yaraantii 6 qof ay ku dhinteen markii, Markab weyn oo oo kuwa dadka dal-xiiska ah qaada ah uu ku degey xeebta dhinaca galbeedka ee dalka Talyaaniga.

Dad tiradoodu gaarayso ilaa 4-Kun oo qof oo dal-Xiis ahaa ayaa laga badbaadiyey markabkaasi oo badda Mediterranean marayey intii aanu degin.

Warbaahinta dalka Talyaanigu waxaa ay sheegeen in dadkii la socdey markabka qaarkood ay sheegeen in ay maqleen jug weyn intii aanu Markabku istaagin oo Nalkii oo dhamina aanu ka baqtiyin, markaas oo ay dadka, qaarkood badda ku daateen, si ay u bad-baadaan.