Buulo Xaaji oo cirka laga weeraray

Ciidanka Kenya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidanka Kenya

Xarakada Shabab ayaa sheegatay in ciidammada cirka ee Kenya ay soo weerareen Tuulada Buulo Xaaji oo ka tirsan magaalada Kismaayo.

Shabaab waxay sheegatay in ay dayaaraduhu duqeeyeen saldhig halkaa ku yaallay, laakiin Shabaab waxay sheeganeysaa in aan cidina halkaa iyaga uga dhiman.

Dad deggan Buulo Xaaji waxay BBC u sheegeen in qof rayid ahi uu halkaa ku dhintay, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC ee Muqdisho, Maxamed Maxamud Dhoorre: