UK iyo US oo booqday Muqdisho iyo Hargeysa

Matt Baugh, Wakiilka Sare ee UK u qaabbilsan Soomaaliya Lahaanshaha sawirka ather
Image caption Matt Baugh, Ergeyga UK ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa tegey ergeyga Dowladda Britain u qaabbilsan Soomaaliya, Matt Baugh.

Magaalada Hargeysana waxaa tegey dhiggiisa Mareykanka, James Swan.

Labada diblomaasi fadhigoodu waa Nairobi, mana cadda in socdaalkoodu uu wax xiriir ah leeyahay.

Socdaalku wuxuu ku soo beegmay iyada oo lagu jiro qaban qaabada shirka Soomaalida looga hadlayo ee London, oo qabsoomi doono muddo bil gudaheed ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay mas'uulka Mareykanka ay ka wadahadleen kaalmada Mareykanka ee Somaliland iyo weliba arrimaha geeska Afrika.

Af hayeenka Dowladda Soomaaliyana wuxuu BBC u sheegay in ergeyga UK ay is arkeen Ra'iisal Wasaaraha oo ay ka wadahadleen shirka London iyo weliba Madaxweynaha.