Syria oo laga soo saaray qaraar qabyo ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kumanaan qof ayaa lagu dilay tan iyo markii rabshauhu ka bilowdeen Syria

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaa uu ka wada-hadlay qoraal qabyo ah oo loogu tala galay in lagu dhameeyo, rabshadaha bilaha badan ka socdey dalka Suuriya.

Qaraalkaasi, waxaa uu ansixinaya qorshihii nabada ee ay diyaarisay Jaamacada Carabtu oo Madaxweyne Bashar Al-Assad ugu baaqaya in uu awoodda uu ku wareejiyo, Ku xigeenkiisa oo la shaqayn-doona, dawlad qaran oo wadaag ah.

Ruushku waxaa ay sheegeen in aanay taageersanayn, qaybo ka mid ah qoraalka, hase ahaate ay diyaar u yihiin in ay ka hadlaan.

Danjiraha Faransiiska u fadhiya, Qaramada Midoobey, Gerard Araud oo shirka ka dib la hadlay saxaafada waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in heshiis lagaaro.