al Shabaab oo weerartay Xalane

Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku soo qaadday deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.

Goobtan ayaa ku dhow xarunta ugu wayn ee AMISOM ee dugsigii militeriga ee Xalane.

Dagaalka ayaa inta la og yahay waxaa ku dhintay ilaa siddeed qof, in ka badan toban ayaa ku dhaawacantay.

Saraakiisha dowladda ku meelgaarka ayaa sheegay in laga saaray goobihii ay saakay qabsadeen Alshabaab.