Wasiir Denmark oo Hargeysa tegay

Madaxweynaha Somaliland Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiir Denmark oo Somaliland tegay

Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark Chrisgian Friis Bach ayaa tegay Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu wada hadallo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo , shirgudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Somaliland Dr Sacads Cali Shire ayaa BBC u sheegay in labada dhinac ka wada hadleen kordhinta deeqaha dalka Denmark siiyo Somaliland iyo abuuridda sanduuq dhinaca horumarinta somaliland ah oo dalka Denmark ka qayb qaadanayo.