Kenya: Badhaadhe ayaan qabsanay

Ciidanka Kenya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kenya ayaa sheegtay in ay qabsatay Degmada Badhaadhe

Ciidamada Kenya oo kaashanaaya dagaalyahanka Raas Kambooni ayaa sheegay in ay qabsadeen Degmada Badhaadhe ee ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka militariga Kenya Gaashaanle Emanuel Chirchir ayaa BBC u sheegay in ciidankooda la wareegay Degmada Badhaadhe

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al-Shabaab oo ay ciidamada Kenya sheegayaan in ay ka qabsadeen magaalada.

Afhayeenka Raas Kambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa weriyaha BBC ee Nairobi Cabdirissaq Xaaji Catoosh u sheegay in ciidankooda oo damacsanyahay in uu horey ugu sii durko aagaasi.

Ciidamada Kenya ayaa mudo ka badan 100 maalmood ku jira gudaha Soomaliya, Badhaadhe ayaana ah xarruntii ugu horeysay ee Degmeed ee ay sheegaan in ay qabsadeen.

Ma jiraan ilo madax banaan oo BBC u xaqiijiyay in magaalada ay gacanta u gashay ciidanka Kenya

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan