Karzai oo qirtay wada hadalada Taliban

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Afghanistan iyo Raiisul Wasaaraha Pakistan

Madaxweynaha Afghanistan, Xamiid Karzai aya sheegay in dowladdiisa iyo Mareykanka inay wada xaajood saddex dhinac ah la yeesheen Taliban.

Waa markii ugu horreysay ee hoggaamiyaha Afghanistan uu qirtay si cad inay jiraan xiriir noocaasi ah oo dhacay.

Ilaa hadda Taliban waxa ay diideen inay wax heshiis ah la galaan dowladda Mr Karzai oo ay ku tilmaameen inay tahay mid maqaar-saar ah.

Hadalkan ayaa ku soo baxay wareysi uu siiyay wargeys Mareykan ah Wall Street Journal, iyadoo Madaxweyne Karai uu isu diyaarinayay inuu u safro Islamabad oo uu wadahad la leeyahay madaxda Pakistan, isagoo markiiba la kulmay Raiisul wasaare Yousuf Raza Gilani.