Dagaal ka dhacay Bardaale

Ciidanka Itoobiya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidanka dowladda oo ay taageerayaan militariga Itoobiya ayaa ku dhow Bardaale

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo militariga Itoobiya oo is garabsanaayo oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ka dhacay Degmada Bardaale oo ku dhow Magaalada Baydhabo.

Ciidankani is garabsanaayo ayaa la sheegay in ay ku sii siqayaan magaalada Baydhabo. Bardaale waxay 50km u jirtaa Baydhabo oo ah magaala madaxda gobolka Bay.

Xildhibaan Maxamuud Sayyid Aadan oo ku sugan Garbahaareey ayaa BBC u sheegay in ciidanka dowladda iyo militariga Itoobiya ay qabsadeen Bohol-Bashiir oo uu sheegay in uu ku yaalay saldhig ciidan ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ilaa 10 qof ayaa ku dhintay kadib markii baabuur ay saarnaayeen ay ku qaraxday miino meel u dhow degmada Bardaale.