Weerar cirka oo lagu qaaday Soomaaliya

Weerar lagu qaaday Kilometer sixty ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof oo ay ku jiraan mintidiin Alshabaab ah.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa BBCda u sheegay in afar qof ay dhinteen, waxay sheegeen dadka dhintay qaarkood inay ku jiraan dad ajnabi ah.

Wali wax war ah lagama helin AlShabaab. Raiisalwasaaraha Somaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ku baaqay in la kordhiyo weerarada cirka ee lagu haayo mintidiinta AlShabaab.