Dad u dhashey W.Kuuriya oo u baxsadey Shiinaha

Qaxootiga Waqooyiga Kuuriya Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Qaxootiga Waqooyiga Kuuriya

Baarlamanka Koonfuurta Korea ayaa ugu baaqey Shiinaha inuu joojiyo dib u celinta dadka ka soo cararey Waqooyiga Kuuriya ee lagu qabtey gudaha dalka Shiinaha.

Talaabadan ayaa timid iyadoo ay sii kordheyso walaaca Koonfuur Kuuriya ka qabto sida ay ku dambeyn doonaan ilaa 30 ruux oo u dhashey Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo wararku sheegayaan in dowladda Shiinaha dooneyso inay masaafuriso kuna celiso dalkooda.

Koonfuurta Kuuriya ayaa dalbaneysa in Shiinaha uu xishmeeyo heshiisyada caalamiga ee difaaca qaxootiga, waxaana ay ugu baaqdey Qaramada Midoobey inay cadaadis saarto xukuumadda Beijing.

Wararka ka imaanaya gudaha Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee dalka, Kim Jong-un, uu soo saarey wareegto uu dil ugu hanjabayo qoysaska ay ka soo jeedaan dadka isku daya inay baxsadaan.