Kobaca Shiinaha oo is dhimay

Wen Jiabao oo hadalka qaadanaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisal Wasaaraha Shiinaha, Wen Jiabao.

Ra'iisal Wasaaraha Shiinaha, Wen Jiabao, ayaa u sheegay shir sannadeedka baarlamaanka in kobaca dhaqaalaha Shiinuhu uu ahaan doono kii ugu yaraa labatankii sano ee na dhaaftay.

Mr. Wen wuxuu sheegay in dhaqaalaha Shiinuhu higsanayo in uu kor u kaco boqolkiiba toddoba-dhibi-shan sannadka soo socda.

Weriyaha BBC ee Beijing wuxuu sheegay in hoggaamiyayaasha Shiinuhu ay muddaba u arkayeen in boqolkiiba siddeed uu yahay kobaca loo baahan yahay si loo abuuro shaqooyin iyo hanti ku filan in ay in ay is hortaagaan in dadku dudo.

Sacabka loo tumayay Mr. Wen wuxuu ahaa mid aan xamaasadi ka muuqan, xubnaha qaarkoodna way iska tageen iyadoon khudbadu dhammaan.

Isaga iyo mas'uuliyiin kale oo sare ayaa la filayaa in ay sannadkan gudihiisa dariiqa u banneeyaan jiil cusub oo hoggaamiyayaal Shiineysa ah.