Sudan oo lagu eedeeyay xadgudub

Sarkaal sare oo horey Qaramada Midoobey ugu qaabilsanaa dhinaca gar-gaarka aadanaha dalka Sudan aya ku eedeenaya Khartoum dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Mukesh Kapila ayaa sheegay in xasuuqani ay dowladda ka geysanayso gobolka buuraleyda ee Nuba oo ah gobol ku dhow jamhuuriyadda koonfurta Sudan.

Mukesha Kapila oo booqday degaanka ayaa waxa uu sheegay la baab'iinayo qabaalida degaankaas oo qaar ka mid ah ay dagaal kula jiraan xukuumada Sudan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sudan waxaa lagu eedeyay xasuuq

sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Sudan ayaa eedeymahaasi beeneyay, waxaa uu sheegay in dambiyada dhanka ka ah aadanaha ay geysanayaan fallaagada ka soo horjeeda dowladda