Isbeddelka Muqdisho

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xafladdii loo qabtay duulimayada shirkadda Turkish Airline

Muqdisho wey soo yara kabaneysaa. Muqdisho waxay hadda ku soo laabaneysaa caadi.

Waxaa dib u billowday dayacstir iyo dhismayaal cusub.

Waxaa furmay shaqooyin cusub.

Waxaa ku soo laabtay xafiiska Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya oo awal fadhigiisu ahaa Nairobi.

Dowladda Britain iyaduna markii ugu horreysay 20 sano, ayay anjire u soo magacwday Muqdisho.

Waxaa duullimaad joogta ah billaabay Sharikadda dayaaradaha Turkiga oo toddobaadkii laba jeer tegi doonta Muqdisho.

Maxaad kala socotaa? Maxayse kuugu muuqataa? Ka qeyb qaado falanqeynta Jimacaha?

Maanta waxaan Falanqeynta Jimcaha ku eegi doonnaa, hawsha magaalada ka socota iyo midda weli harsan.

Waxaan eegi doonna dhinacyad ay tahay in culeyska la saaro si magaaladu ay uga raysato dakharrada dagaalka ka socday inta badan ilaa iyo 1991.

Waxaa ka qeyb geli doona dad khibrad u leh maamulka magaalooyinka iyo weliba dad xog ogaal u ah xaaladda Muqdisho.