Thomas Lubanga oo danbi lagu helay

Thomas Lubanga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Thomas Lubanga ayaa madax u ahaa maleeshiyo ka dagaalamaysay waqooyi bari Congo

Maxkamadda caalamiga ee Hague ayaa ku heshay danbi dagaal hogaamiye kooxeedkii reer Congo ee Thomas Lubanga.

Waa qofkii gu horeeyay ee ay xukunto maxkamada ICC oo la aas aasay toban sano ka hor.

Thomas Lubanga ayaa lagu helay danbi ah inuu u qoray caruur askar ah oo da'dooda ay ka yar tahay shan iyo toban sanno.

Danbiyada aya la galay in kabadan toban sanno markii dagaal uu ka bilaabmay Waqooyi Bari Congo.

Thomas Lubanga ayaa la xukumi doonaa mar kale.