Isku shaandheyn Somaliland

Somaliland Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Xukummadda.

Xilalka la magacaabay: Wasiirka Maaliyadda Cabdilcasiis Maxamed Samaale oo ilaa iyo hadda ahaa Gudoomiye Xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Cali Saciid Reygal. Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade. Wasiirka Warfaafinta Yuusuf Ducaale Boobe. Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid. Wasiir Xigeenka Aminga Gudaha Cabdillaahi Abokor Cismaan. Wasiir Xigeenka Arimaha Dibedda Mawliid Maxamuud Ibraahim. Gudoomiyaha Hay'adda shaqaalaha Nuux Sh. Muuse Ducaale. Guddoomiye Xigeenna Hey'adda Shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdillaahi. Axmed Xuseen Oommane oo madaxeynuhu u magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya Sudanta Koofureed.

Mas'uuliyiinta xilka laga qaaday: Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi. Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Ismaaciil Muumin Aar. Wasiirkii Shaqada iyo Arimaha Bulshada Ilhaam Maxamed Jaamac. Wasiirkii Boostada iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday. Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Saciid Faahiye. Wasir Xigeenkii Maaliyadda Warsame Saciid Cabdi. Wasiir Xigeenka Arimaha Dibedda Maxamed Yoonis Cawaale. Guddoomiyihii Hay'adda Shaqaalaha Muxummed aw Cabdi Ismaaciil. Gudoomiye Xigeenkii Hay'adda Shaqaalaha Axmed Cali Xisrsi.