Masar: 75 qof oo loo haysto dil

Boliiska Masar Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boliiska Masar ayaa lagu eedeeyay inaysan joojin rabshadaha oo ay daawanayeen

Masuuliyiinta Masar ayaa amray in toddobaatan iyo shan qof oo ay ku jiraan madaxda amaanka in dacwad lagu qaado, iyadoo lagu eedeynayo dhimashada dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay garoonka kubada cagta bishii hore.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan toddobaatan qof.

Rabshadaha ayaa waxay ka dhaceen Port Saciid kadib, markii uu dhamaaday ciyaar u dhaxaysay Elmasry iyo Al Ahly.

Dadka reer masar aya badankoods rumaysan in rabshadaha la soo qaban qaabiyeen golaha milatariga ee xukunka haya.

Boliiska Masar ayaa lagu eedeeyay inaysan joojin rabshadaha oo ay daawanayeen.