Abwaan Xassan Jacayl oo ku geeriyooday Nairobi

Abwaan Xassan Maxamed Maxamuud (Xassan Jacayl), ayaa maanta ku geeriyooday oo lagu aasay magaalada Nairobi.

Maalintii Sabtida, ayaa barnaamijka Hayaanka ee BBC-da aanu ku sii daynay mid ka mid ah gabayadiisa.

Xassan Jacayl, wuxuu in muddo ah la tacaalayay cudurka macaanka.

Weriyaha BBC Cabdirisaaq Catoosh ayaa warbxiintan ku eegaya taariikh nololeedkiisa.

Naxariistii Jano Alle haka waraabiyee Xassan Jacayl waxa uu ku dhashay Magaalada Dhuusa-mareeb. ee gobolka Gal-Gaduud. waxuu jiray 48-sano.

Bilowgii 70-meeyadii ayuu fanka soo galay, sideetameeyadiina waxauu bilaabay inuu sameeyo heesha.

Waxaa jira heeso fara badan, oo Xassan Jacayl uu leeyahay oo ay qaadaan, fanaan uu ka mid yahay, Cabdiqaadir Juba.

Xasan Jacayl, waxaa kaloo lagu xasuustaa heeso wadamni ah oo ay ka mid ahayd hees uu isaga laftirkiisa qaaday, oo la yiraahdo Ma ogoli Adoonsiga.

Marxuumka ka sakow inuu ahaa abwaan, waxaa kale oo uu ahaa weriye ka soo shaqeeyay idaacadii Horafrik.

Waxaa sidoo kale uu maqaallo sheekooyin jacayl ah ku qori jiray wargeyskii Qaran.

Xasan Jacayl intii Muddo ahba waa uu xanuunsanaa, maanta ayuuna ku geeriyooday isbitaal ku yaala Nairobi