Masar oo u diraysa shidaal Gaza

Masar ayaa sheegtay inay bilaabayso inay shidaal u soo dirto maanta Gaza si ay u caawiso shidaal yaridii ugu xumayd ee ka dhacda Gaza sanooyin.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Saldhiga korontada ee Gaza

Masar ayaa ogolaatay inay u dirto sagaal boqol oo kun oo litre oo nafto ah saldhiga korontada oo la xiray bishii febraayo bartamaheedii shidaal laaan awgeed.

Koronto la'aanta ayaa keentay inay yaraadaan adeegii baabuurta gurmadka degdega ah , qaliinka caafimaadka, tagaasidii, iyo koronto la'aan siddeed iyo toban saacadood maalintii.

Gaza ayaa waxaa saaran cuno qabatayn ay ku soo rogtay Israel iyadoo laga xiray xuduudaha Gaza ee cirka, badda iyo dhulka.