Qarax Muqdisho ka dhacay

Tiyaatarka Muqdisho
Image caption Tiyaatarka Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax, wararka hor dhaca waxay sheegayaan in dhowor qof ay ku dhinteen inta la ogyahay.

Dadka ay khasaaraha ka soo gaareen waxaa kamid ah weriyayaal ka shaqeeya TV-ga dowladda KMG Somalia.

Tiyaatarka ayu qaraxa ka dhacay oo lagu qabanayay xaflad lagu maamusaayo sanad guuradii koobaad ee ka soo wareegtey markii dib loo howl-geliyey TV-ga dowladda.

Masuuliyiinta dowladda qaarkood ay goobtaasi ku sugnaa xilliga uu qaraxa dhacaayey.