Ajnabi lagu xirey Somaliland

Booliska Somaliland Lahaanshaha sawirka other
Image caption Booliska Somaliland ayaa xirey afar ruux oo ajnabi ah

Dowladda Somaliland ayaa sheegtey in Afar ruux oo ajnabi ah ay ku xirtey xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti.

Guddomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Maxamad Muuse Bucul ayaa BBC u sheegey in dadkan lagu xirey xadka iyagoo baabuur nooca Landcruiser-ka watey.

Waxaa uu sheegey in dadkani oo dhamaantood haysta jinsiyadda dalka Fransiiska, ay si sharci darro ah, ku soo galeen Somaliland.

Maxamad Muse Bucul waxaa kale oo uu sheegey in dadkani ay soo mareen waddo aanay inta badan baabuurta adeegsan.

Dadkani ayaa haatan lagu hayaa xabsi ku yaala magaalada Seylac. Booliska Somaliland waxay sheegayaan in ay wadaan baaritaano la xiriira arrintani.