Doorashada Faransiiska

Lahaanshaha sawirka AFP

Dadka dalka Faransiisku, waxaa ay saaka u dareereen Goobaha ay yaaliin santuuqyada codka lagu rido, waxaana ay soo dooranayaan Madax-weyne.

Cod-bixintaas, ayaa loo arkaa Afti loo qaadayo, 'wixii u- qabtay, Madax-Weyne Nicolas Sarkozy' muddadii u Madax-weynaha ahaa.

Waxaa Jagadaas kula tartamaya, 9 Musharax oo uu ku jiro hoggaamiyaha xisbiga weyn ee 'Hanti-Wadaaga' ah ee Francois Ollaand.

Labada qof ee hela codadka ugu badan ee wareega hore ee Doorashada ayaa mar kale isugu iman-doona wareega Labaad, bisha Danbe, hadii midkoodana uu cod aqlabiyad ah ku guulaysan waayo.