Qarax ka dhacay Dhuusa Mareeb

Qarax
Image caption Qarax ka dhacey Dhuusa Mareeb

Ugu yaraan lix ruux oo ay ku jiraan labo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday weerar isqarxin ah oo ka dhacay Dhuusa Marreeb.

Yusuf Mire Seeraar iyo Cabdiweli Aw Muxumed, ayay wararka qaar sheegayaan in ay geeriyoodeen.

Dad kale ayaa geeriyooday oo aan weli tiradooda la xaqiijin.

Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in ay goobtaas ku dhaawacmeen dad uu ka mid yahay Axmed Cabdisalaan, oo hore Wasiir uga ahaan jiray Soomaaliya.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay qaraxa Dhuusa Marreeb.

Raiisul Wasaaraha dowladda KMG ah, Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid fuleynimo.

Wafdigan oo isugu jira siyaasiyiin iyo aqoon yahanno waxay maalmahaanba marayeen gobolka Galguduud.

Hore waxay u booqdeen Guriceel, Caabduwaaq iyo Xeraale, maantana waxay ku sugnaayeen oo lagu weeraray Dhuusa Marreeb.