Cameron oo ka digay Euro

Ra'iisal Wasaaraha Britain ayaa si adag uga digay in lacagta Euro ee ay wadaagaan dalalka Midowga Yurub intooda badan ay halis ugu jirto in ay kacdo, haddii aan dowladaha iyo hey'adaha dalalkaasi aanay u gurman dalalka dhaqaalahoodu liito sida Greece.

Hadal uu u jeediyay ganacsato woqooy England, ayuu ku tilmaamay in dalaka Euro isticmaala ay taagan yihiin meel ay laba waddadu ku kala leexato.

Waa in ay xaaladda la falgalaan ama ay aqbalaan in burbur uu suurta gal yahay.

Cameron wuxuu yiri dalalka sida Greece aad ugu jira casaanku waa in ay miizaaniyaddooda dheelli tiraan.

Laakiin wuxuu yira Greece waxay u baahan tahay kaalmo intan ka badan in ay ka hesho waddammada ku jira xeydaabka euro ee ka dhaqaalaha badan iyo Bankiga Dhexe ee Yurub.