63 ruux oo lagu dilay Sanca, Yemen

Sanca, Yemen
Image caption Sanca, Yemen

Ugu yaraan 90 askari ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Yemen, kadib markii qof isku qarxiyay caasimadda Sanca ee dalka Yemen.

Qofka weerarka soo qaaday wuxuu gashanaa dharka ciidanka, wuxuuna isku qarxiyay askar ku jirtay tijaabo dhoolatus military.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ka badan laba boqol oo askari ay ku dhaawacmeen markii bomb-ku uu qarxay fagaare u dhow aqalka madaxtooyada.

Military-ga Yemen ayaa hadda dagaal kula jira dagaalhayanno lala xiriirinayo Al-Qaeda.

Military-ga Yemen ayaa hadda ku howlan weerar ballaaran oo ka dhan ah Al-Qaeda oo ka socda koonfurta dalka.

Waa weerarkii ugu waynaa ee ka dhaca caasimadda Sanca tan iyo markii madaxwayne Abd-Rabbuh Mansoor Hadi uu xukunka qabtay bishii February.