Shabaab oo laga qabsaday Afgooye

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Taangi AMISOM oo ka dagaallamaya meel u dhaw Afgooye

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM, Paddy Ankunda, ayaa sheegay in ay magaalada ka xoreeyeen al-Shabaab, oo dadkuna ay ku soo dhaweeyeen.

Dad goob joog ah ayaa BBC u sheegay in magaalada cid gudaheeda joogta aanay jirin labada dhinac ee dagaallamaya.

Magaalada ayaa wararku sheegayaan in markii shalay ay ka baxeen al-Shabaab la bililiqeystay xarunta degmada, oo laga qaatay raashin iyo qalab.

Qabasashada magaalada Afgooye ayaa dhaawac weyn ku ah al-Shabaab.