Xaaladda degmada Afgooye

AMISOM Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo dagaalka horkacaya.

Xaaladda degamada Afgooye oo ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah, ayaa maanta inta badan deganayd inkastoo saaka 10-kii aroornimo uu dagaal kooban ka dhacay Siinka Dheer.

Madaafiic xoog leh ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ku dhaceen Ceelasha Biyaha oo muddo dhowr sano ah ay ku noolaayeen barakacayaal horay uga cararay dagaalada magaalada Muqdisho horay uga dhacay.

Afgooye oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu ay dhowaan gaareen, ayaa hadda degan .

Hase yeeshee, kumanaan barakacayaal ah ayaa ka baxayay magaalada dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Wadada ex-control qulqulka dadka qaxaya, ayaa socda.

Dhinaca kale dad goobjoogayaal ah, ayaa sheegay in ay magaaladu degan tahay, balse ciidamada dowladdu ku sugan yihiin gudaha Afgooye halka kuwa AMISOM ay joogeen duleedkeeda.

Ciidamada dowladda ayaa wararku sheegayaan in ay baaritaan ka wadaan gudaha magaalada.