Shiikh Shariif oo ka badbaaday weerar

AMISOM Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa badbaaday weerar ay al Shabaab ku soo qaadday kolonyo baabuur ah oo Madaxweynaha sidday.

Sida AMISOM ku warrantay Madaxweynuhu wuxuu ka soo laabtay socdaal uu ku tegey magaalada Afgooye oo mar dhow laga saaray ciidanka al Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kan AMISOM ayaa al Shabaab ka saaray Afgooye.

Af hayeenka AMISOM wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee AP in AMISOM ay dib u celisay weerarka al Shabaab, madaxweynuhuna isaga oo nabad qaba uu ku soo laabtay Muqdisho.