Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caleemosaarkii boqorada ee Hargaysa 1953

Sanadkii 1953 oo ahayd markii boqoradda,Queen Ellizebeth 2, la caleemo saaray meelaha looga dabbaaldegay waxaa ka mid ah magaalada Hargeysa. Dadkii xuskaas ka qayb galay oo musikada garaacayey waxaa ka mid ahaa Caydiid Ilka Xanaf oo hadda ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda Federalka Somaliaya.

Weriyaha BBC, Yusuf Hassan, ayuu uga warramay sidii dabbaaldeggu berigaasi uga dhacay Hargeysa.