Mareykanka oo baadi goobaya madaxda al-Shabaab

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption al-Shabaab waxa ay muuqatay bilihii u danbeeyay mid awoodeedu wiiqantay

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in malaayiin dollar ku abaal marin doonto ciddii keenta wararka ku saabsan meesha ay joogaan hoggaamiyayaasha kooxda al-Shabaab.

Mareykanku waxa uu lacag dhigayaa madaxa al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Maxamuud, aasaasaha al-Shabaab isla markaana ah taliyaha guud.

Waxa uu ka yaboohay 7 milyan oo dollar cidii keenta xog ku saabsan halka uu joogo.

Waxaa kale oo iyaguna lacag ka badan 30 milyan lagu bixin doonaa lix sarkaal oo kale oo ka tirsan al-Shabaab

Waa markii ugu horreysay ee Mareykanku lacag ku yabooho soo qabashada xubno ka tirsan al-Shabaab.