UN oo ka wal-walsan dagaalka Syria

Syria
Image caption Qaramada Midoobey ayaa ka walaacsan xaalada Syria

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa sheegey in uu ka walaacsanyahay xaaladda Syria iyadoo korjoogtada UN-ka ay sheegayaan in iska horimaadyadu ay sare u kaceen.

Xoghaya guud waxaa kale oo uu ka wal-walsanyahay xaaladda dadka rayyidka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan dagaallada u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo mucaaradka hubeysan.

Ban waxaa uu ka codsadey dhinacyada isku haaya Syria inay ilaaliyaan sharciyada adduunka.

Warbixin ka soo baxdey Qaramada Midoobey ayaa sheegtey in carruurta dalka Syria loo adeegsanaayo gaashaan ahaan, oona si ula kac ah loo bartilmaameedsanayo.

Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta iyo dagaallada hubeysan Radhika Coomaraswamy ayaa sheegtey in carruurta xabsiyada lagu cadibayo, qaarkood-na la diley.

Coomaraswamy waxay leedahay xasuuqyada qaar, carruur da'dooda ay ka yartahay 10 sano jir ayaa lagu laayay, taasi oo ay sheegtey in ay tahay arrin aan ka dhicin meel kale oo ka tirsan dunida.