Nin loogu shakisanyahay qaraxii Kenya oo la xirey

Qarax Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Uguyaraan 30 ruux ayaa ku dhaawacmey qarax Kenya ka dhacey bishii May

Nin loogu shakisanyahay in uu ka dambeeyey qaraxii ka dhacey magaalada Nairobi ayaa lagu xirey dalka Tanzania.

Booliska Kenya ayaa sheegey in ninkani Emrah Erdogan uu yahay nin Germal ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga.

Waxaa la sheegayaa in u ka soo tallabay xadka Kenya iyo Somalia bilawgi bishii tegtey ee May.

Booliska Kenya ayaa leh ninkani waxaa uu ka bar-bar dagaalamayey Al-Shabaab.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhaawacmey qaraxii caasimada Kenya ee Nairobi ka dhacey dabayaaqadii bishii May.

Dowladda Kenya ayaa weerarro iyo qaraxyo ka dhacey dalkaasi ku eedeyneysa Al-Shabaab. Dhowr jeer oo hore ayay Al-Shabaab u goodisey Kenya.

Booliska Tanzania ayaa BBC u qiijiyey in Erdogan ay hayaan.

Kenya ayaa codsatey in Erdogan loo soo dhiibo, lakin weli jawaab kama helin dowladda Tanzania.