Masar oo Madaxweyne dooraneysa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad codkooda ka dhiibanaya doorashada Madaxtinimada

Dadka reer Masar ayaa codkooda ka dhiibanaya wareegga labaad ee doorashada Madaxtinimada dalka oo socon doonta laba maalmood.

Doorashadan ayaa dadka reer Masar waxa ku dooranayaan Madaxweyne cusub oo beddela Madaxweynihii hore ee talada laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak sanadkii hore.

Waxaa la filayaa inay noqoto tartan aad la isugu dhaw yahay, kaasi oo u dhexeeya Raiisul wasaarihii hore Ahmed Shafiq, iyo Mohamed Morsi oo ka socda xisbiga Akhwaan Muslimiin.

Weriye BBC oo jooga Qaahira ayaa sheegaya in aanay muuqan calaamad in dadku ay aad ugu oo baxeen oo safaf dhaadheer aanay jirin ama xiisihii wareeggii hore loo qabay.

Doorashada ayaa dhacaysa laba maalmood kadib markii maxkamadda Masar ay xukmisay in doorashooyinkii baarlamaaiga ay ahaayeen kuwo aan sharci ahayn, isla markaana ay tahay in dib loogu laabto.