Somalia iyo Somaliland oo heshiis gaarey

Faysal Cali Waraabe Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Faysal Cali Waraabe waxaa uu kamid yahay guddiga wadahadalka ee Somaliland

Somalila iyo Somaliland waxay ku heshiyeen iskaashi xagga ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada iyo burcad badeedda.

Waxaa kale oo ay isku af garteen in ay sii wadaan wadahadallada iyada oo la sheegay in ay Madaxweynayaasha labada dhinac ay kulmaan wakhti aad u dhow.

Warar xog ogaal ah oo aan laga sheegin shirka ayaa ku tilmaamay in Madaxwyne Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Silaanyo ay toddobaadka soo socda ay ku kulmi doonaan dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Waxay labada dhinac ku heshiyeen in wadahadalka ay sii wadaan dowladda KMG ee Soomaaliya, ama ciddii beddesha, iyo Somaliland.

Waxay isku af garteen oo kale in caalamka ay weydiistaan in la kordhiyo kaalmada aadminnimada iyo midda horumarka isla markaana ay iyagu gacanna ka geystaan iskana kaashadaan.

Labada wafdi si toos ah ayay dhexdooda u wadahadlayeen laba maalmood iyaga oo aan ajnebi ku dhex jirin.

Laakiin furitaankii wadahadalka iyo gunaanadkii ayaa waxaa goob joog ahaa wakiillo ka socda UK oo shirka marti gelisay, iyada oo ay goob joog yihiin Midowga Yurub iyo Norway oo iyaguna wax ka marti geliyay wadahadalka.

Wafdtiga TFG waxaa horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka, Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Ergada Somaliland waxaa horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar.