Mursi Madaxaweynaha Masar

Dalka Masar ayaa Madaxweyne loo doortay Maxamed Mursi oo ah murashaxa Akhwaan al Muslimiin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha Maxamed Mursi

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Madaxweyne loo doortay Maxamed Mursi.

Maxamed Mursi wuxuu helay 51.7 boqolkiiba. Taageerayaashiisa oo isugu yimid fagaaraha Taxriir Square ayaa bilaabay dabaaldeg iyo inay ciyaaraan markii lagu dhawaaqay natiijada.

Ninka la tartamayay Mursi Axmed Shafiq ayaa helay 48 boqolkiiba codadka doorashada.

Shaki iyo walaac ayaa abuurmay markii lala daahay ku dhawaaqidda rasmiga ah ee natiijada doorashada, militeriga xukunka sii hayayna ay awooddooda kororsadeen.

Dad siyaasadda Masar u kuur gala ayaa ku tilmaamay in laga yaabo in militerigu ay heshiis la galaan Madaxawynaha la doortay si aan dib la isugu raacan waxyaabihii dhacay xilligii Madaxweynihii hore, Xusni Mubaarak.

Masar waa dalka ugu dad badan dalalka Carabta.

Maxamed Mursi

Mursi waa lixdan jir wuxuuna wax ku soo bartay, waana Injeneer

wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii janaayo 2011 kadib.

Isagooo hogaaminayay xisbiga waqti dheer ayaa loo arkay inuu yahay nin aamusan oo aan dadka sooo jiidan karin.

Mursi ayaa ahaa murashaxa labaad ee xisbigiisa ka hor intaan ii murashaxii koowaad Khairat Alshater laga reebin tartanka, kadib markii la ogaaday inuu danbi horay u galay.

Mursi ayaa u balanqaaday dadka cadaalad iyo horumar xukunka xisbigiisa.

Wuxuu helay codadka 25 boqolkiiba wareegii koowaad taasoo ah 5.7 milyan oo codad, isagoo ka badnaa ku dhawaad 250.000 oo cod Axmed Shafiiiq.