UN oo cambaareyey burburinta Timbuktu

Timbuktu
Image caption Magaalada Timbuktu waxaa ku yaalla dhismooyin taariikhi ah oo qaarkood la dhisey dhowr boqol oo sano ka hor

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareyey burburinta maqaamyada taariikhiga ah ee Mali, lakin waxaa uu diidey in ciidan ka socda waddamada galbeedka Afrika halkaasi la geeyo.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtey in aanay diyaar u ahayn inay taageerto dowladaha deriska la ah Mali in ay ciidan halkaasi u diraan.

Goluhu waxaa uu sheegey in burburinta goobaha taariikhi ah ee magaalada Timbuktu uu u dhigmi karo dambiyo dagaal.

Waddamada ku bahoobey galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa sheegey in ilaa 3,000 oo ciidan ah ay u dirayeen dalka Mali.

Hasa ahaate, Qaramada Midoobey ayaa dalbatey in faafaahin dheeri ah laga siiyo waxa ay qabanayaan ciidankaasi.

Waddamada deriska la ah Mali ayaa ka cabsi qabo in dagaalyahanka Islaamiga ay ku fidaan gobolka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan