Assad oo la doonayo in uu xukunka dhiibo

Dimishiq Lahaanshaha sawirka na
Image caption Ciidamada dowladda ayaa doonaya inay dib u qabsadaan qeybo ka tirsan Dimishiq

Raisal Wasaaraha Qatar Xamad Bin Jasim ayaa sheegey in waddamada Jaamacadda Carabta ay isku raaceen in madaxweyne Bashar al-Assad uu ka dego xukunka oo isagana loo ogolaado in dalkaasi si nabad ah ugu baxo.

Bin Jasim waxaa uu ka hadlayey shirka wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamada Carabta ee ka socda magaalada Dowxa ee dalka Qatar.

Bin Jasim ayaa ugu baaqey madaxweynaha Syria Bashar al-Assad in uu qaato go’aan geesinimo leh oo uu isga dego xukunka. Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale ugu baaqeyso mucaaradka inay soo dhisaan dowlad KMG ah.

Waxaa ay wadamada carabta doonayaan in howsha ergeyga Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobey Kofi Annan ay noqoto sidii xukunka dalkaasi lagu wareejin lahaa.

Raisal Wasaaraha Qatar oo isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaasi ayaa ugu baaqey Ruushka iyo Shiinaha in mowqifkooda Syria ay wax ka badalaan oo ay taageeraan wadamada Carabta.

Ruushka iyo Shiinaha ay dhwor jeer awooda diidmada qayyaxan ee Veto-ga u adeegsan go’aanno ka soo bixi lahaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo la xiriirey qalalaasaha ka taagan dalkaasi.

Hadalka Jaamacada Carabta ayaa ku so beegmaya iyadoo ay dagaallo culus ay ka socdaan caasimadda dalkaasi ee Dimishiq, iyo maagalo madaxda labadaad ee Xalab.

Dowladda aya la sheegayaa in ay wadda dadaal ay ku dooneysa inay dib ugu soo ceshato degmooyinka ay ka dagaalamayaan mucaaradka.